RSOL Banner
Somali Week Festival
23-31 October 2009
Derbyshire St., Bethnal
Green, London E2 6HG
www.kayd.org
  Create an account
 
Somali Spelling Checker
!NEW NEW NEW!

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion
GREGORIAN

::
ISLAMIC


SOMALI


Net!Photo of the Week
Suggest one

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009

Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair - 2009


Old Articles

[ List all articles ]

Wisdom of the Day
...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note
order it today


read it more


Ma laga yaabaa in Soomaalinnimada laga maarmo haddii xornimada qofka loo diido?
Posted on Wednesday, June 25 @ 12:13:46 CDT by redsea

Opinion - Fikrado

W/Q Ayan M Ashour

Dumarka reer Boorame, waxay yiraahdaan “ha yaabin horaa loo yaabaye” laakiin wax kaa amakaakiya ma waydid haddaad Soomaali tahay. Wargeysyada, Somaliland.org iyo Hadhwanaag.com, waxaa ku soo baxay war sheegaya, Ardaydii Jaamacadda Hargeysa oo is hortaagtay, “Maalinta Xuska Muusigga Adduunka”. Isla saacado kaddib waxaan shabakad kale ku aragnay “afar nin oo kufsaday inan yar oo 13 jir ah”. Waxaa warka labaad la soo raaciyay qabiilka ay dambiilayaashu ka soo jeedaan. WAA YAAB!

Maxaa labadan sheeko iska khuseeya? Waxay ila tahay wax badan.

Ugu horreyn, waa siday Soomaalida uga khaldan tahay kala mudnaanshaha arrimaha horyaal iyo xagjirnimada aan xadka lahayn. Sida uusan qofna u oggolayn arrin uusan ISAGU raalli ka ahayn. Waxaa halbeeg bulshadeed noo ah: sidaan anigu wax u arko bay xaajaduna tahay….



Dunida inteeda kale, waxay ku dadaashaa inay noolaato, oo ayan dabar go’in. Inay ka hortagto waxwalba cadow ku ah sida, jiritaankooda, cimilada is beddelaysa, gaajada, nabad la’aanta, caddaalad-xumada, cudurradda, aqoon la’aanta IWM ee wax dabargoyn kara. Ummad walba oo dunida ku nool waxay oggoshahay kala duwanaanshaha. Marka intaas aan kor ku soo xusay ka tagno; dhaqammo hoosaadyo iyo mabda’yo kala duwan in la lahaado.

Innaga maxaa naga duway aadmiga intiisa kale? Maxaynnu isaga dhignaa in Soomaalidu cirka keligeed ka soo dhacday? Maxaynnu u diidnay in innagoo kala aragtiyo duwan wada noolaanno, oon xabbad la isku maquuninnayn? Maxaa inta Jaamac dembi uu geysto bulsho dhan oogada looga saaraa? Waa maxay sababta ardaydii jaamacadda oo ummadda ku wacyi gelin lahayd in lays ixtiraamo, oo ummaddu midba midka kale kala duwanaashihiisa oggolaado ay xaakinkii iyo xeer-ilaaliyihii u noqdeen, iyaga oo ka tallaabsanaya maamulkii jaamacadda, kii dowladda oo aynnu dhisannay iyo waliba dastuurkii waddanka oo oggol in la kala duwanaado, oo cid walba ay tahay xor, haddii ayan cid kale ku xadgudbayn.

Arrintani waxay i soo xasuusisay qiso beri ka dhacday magaalo ku taalla Yurub. Waxaa jiray urur, ujeeddooyinkiisa ugu waaweyn ahaayeen in aannu ku ilaashanno dhaqanka, afka iyo diinta iyo wixii arrimo dheeraad ah oo nala soo gudboonaada.

Waxaa Quraanka carruurta noogu dhigi jiray nin aannu, haddaannu dadweynaha nahay, u qirsanayn inuu wadaad noo yahay. Siduu xaalkayagu kaas u ahaa, waxaa nagu soo biiray koox iyagana wadaaddo ah. Waxay kooxdani markiiba u qalab urursatay in wadaadkayagii la cambaareeyo oo la yiraahdo “ninkani wadaad rasmi ah maaha” Qolooyinkayagii iyagu markaas bulshaweynta iyo markhaatida ahaa, waxa la isku dayay in wadaaddadii la fahmo, layskuna soo dhoweeyo, dhammaantoodna wadaaddo noo wada ahaadaan. Arrintaas waa lagu fashilmay, bulshadii meeshaas joogtay way u suurtoobi weydey arrintaas inay xalliso. Waalidiintii qaar badan baa malcamaddii kala baxay carruurtooddii, dadkiiyoo dhan wiswis iyo waswaas baa galay. Khilaafkii markuu sannad iyo dheeraad jiitamayay waxa khasab noqotay in malcamaddii laga kala yaaco, in macallinkii hore magaaladii laga raacdeeyo iyo bulshadii intii kale yaab la aammusaan oo afkaqaad ka soo haro.

Wax badan maannu fahmin laakiin hal mid baan meesha ka fahannay markaan arrintii wadwadnay; waa labo kooxood, oo labo mad-habood ku kala abtirsada.

Waayahay oo arrintaas, maxaa innaga khuseeya? May Quraanka na wada baraan, bal adba! Ta kale, miyuu khilaafkani yahay mid bulshadii diinta ku soo dhowaynaysa? Maxaase laba iskuul na loogu furi waayay oo midba dhinaciisa siduu u fahmay noogu sheegi waayay? Waxaa dhici lahayd meeshii laba kooxood aannu kala raacnay, inaan laba mad-habood kala raaci lahayn; sidaas baana lagu xalliyaa kala duwaaanshaha, waa dunida inta aan Soomaali ka ahayn.

Dhibaatada ugu weynee maanta ummadda Soomaaliyeed haysata, waxay ila muuqataa, labada arrin oo midna tahay xagjirnimo fog (qabiil ha ku salaysnaato, mabda’, ama feker yar oo iska khafiif ah, haddii fekerkaagu ka kooxda markaas jirta ka yara duwan yahay, dhiiggaagu waa xalaal) oo ah inaan sina loo kala aragti duwanaan karin; inannu diiddan nahay inaannu qirno innaga oo isku mid ah, haddana kala yara duwanaanno, xorna qofku yahay, teer iyo inta uusan qof binii’aadan kale ku xad gudbayn ama xaquuqdiisa hor istaageyn!

Aan ku soo noqdo xaajadaan ku bilaabay oo ahayd ardayda Jaamacadda Hargeysa. Jaamacadaha adduunka kale, Muslim iyo Gaalaba, waa meelaha isku keena fekredaha aadka u kala duduwan; habkee bulshada loo hormarin karaa, ama bidix amase midig? Maxaa naga khaldan? Maxaase noo sax ah, iyadoo xoog iyo maquunis midna la adeegsanayn? Waxaa keliyoo aad soo bandhigtaa waa fekerkaaga, BAS. Waa meesha ay ku kulmaan aqoonyahanka, indheergaradka, culummada, iwm.

Maxaynnu kaga duwannahay ummadaha kale oo Muslimka innala sheegta oo jaamacadahoodu iyo ardaydoodu ku baraarujiraan, dhaqammadooda kala duwan; iyo waliba fanka iyo suugaantooda, inuu yahay isgaadhsiinta ugu sarraysa uguna mudan ee afka hooyo leeyahay. Afkuna uu yahay Baadisoocda ummaddooda. Waa sababta Carab, Reer Yurub ama Itoobiyaan aadan u ahayn ee aad Soomaali uun tahay.

Af aan fan iyo suugaan lahayni, afba maaha oo ma istaahilo in lagu hadlo. Waa sababta ay dumarka Soomaaliyeed u lahaayeen “Nebi Allow nin waliba afkiis kugu ammaan”

Arrinta afartii nin ee dembiga weyn geystay, miyeeyan ka muhiimsanayn in magacyadooda la sheego, si ay ummaddu uga feejignaato inta aynnu muhiimadda saarayno inay reer Qansax iyo Qurac yihiin, bulsho dhanna aan la cambaarayn oo ceeb dusha laga wada saarin. Ardayda jaamacadduse ma ka mudaaharaaday in danbiilayaashan dhakhso maxkamad loo soo taago, haddii la soo taagayna xukun adag lagu soo oogo? Mase og yihiin in Hargeysa cajaladaha ugu badan ee yaalla oo laga dhagaystaa yihiin, Itoobiyan, Carabi iyo Ingriisi. Way fiican tahay in dhaqammada kale wax laga ogaado laakiin marka fankeenniina la horistaago kii ummaddaha kalena uu faafo, miyeeyan ayaandarro iyo xadaarad la baabi’iyay ahayn oo laga xoog weynaaday? Mase la ogyahay in suugaanyahannada qaarkood, sida Xasan Cabdillaahi “Ganey”, Eebbe-ka-cabsiga qotada dheer ee farshaxankooda maanso ku dheehantahay?

Gebaggabadii, waxaa muhiim iyo waliba lagama maarmaan ah in Soomaalidu wax ka barato ummadaha kale ee oggol in wax guud la wada leeyahay, wax gaar ahna shakhsiyaadku kala leeyihiin. Haddii kale waxaynnu ku sii jiraynnaa ‘i jiid aan ku jiidee’ iyo qalalaasahan maskaxeed ee Soomaalida, horey iyo haatanba, curyaamiyay iyo jahawareerka guud ee ka taagan meel walba, iyo waddan walba oo Soomaaliyi ku nooshahay. Haddii dhinacna lala dagaalamo waxwalba oo Soomaali naga dhigayay, Fan, Suugaan, Dhaqan, iwm, dhinaca kalena la waayo adiga oo Soomaali ah inaad xor noqon kartid, ma laga yaabaa in lagaba maarmi doono Soomaalinnimadii oo dhanba? Qof walbana fasax u noqoto qowmiyadaha kale oo jecel Fankooda, sugaantooda, dhaqankooda, iwm, ku biiro shaqsiyaddiisana xor ugu noqdo.

Haddaba sheekadu waxay joogtaa ama ay u jaanqaadaysaa “Bakaylow, nin iyo bur!”

Ayan M Ashour
ayan_mahamoud@hotmail.com




Ka eeg halkan maqaalladii Ayaan M Cashuur - ayaan


© 2009 - redsea-online.com
Material may be reproduced freely
if redsea-online.com is mentioned as the source
Gobannimo © 2009 - redsea-online.com
Xogtan waa loo sii daabici karaa bilaash
haddii la xuso in laga soo xigtey redsea-online.com
 
Related Links
· Somaliland Forum
· More about Opinion - Fikrado
· News by redsea


Most read story about Opinion - Fikrado:
Maankaaga la kaasho


Article Rating
Average Score: 0
Votes: 0

Please take a second and vote for this article:

Bad
Regular
Good
Very Good
Excellent



Options

Printer Friendly Page  Printer Friendly Page

Send to a Friend  Send to a Friend


Gobannimo Bilaash Maaha!
www.redsea-online.com