W/Q: Xasan Xuseen Warfaa
Allaah ayaa mahad oo dhan leh, naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaato nabigiisii Muxammad SCW.
Faquuqidda iyo habaasaynta lagu la kacay walina lagu la kacayo dacwadda Sheekh Muxammed Bin Cabdulwahaab, Allah ha u naxariistee, ma aha mid dhawaan dhalad ah, waxay soo taxnayd tan iyo jeerkii uu Sheekhu buriyey baaba'na ka dhigay Caqiiqadadii kuwii weecsanaa ee amintaas noolaa. Yeedhmada Tawxiid-ka ayaa uu kor u qaaday, waxa uu cagta mariyey –oggolaanshaha Allaah awgii- daxalkii ku dhagey garaadka iyo Caqiiqada dadkii ku noolaa Jasiiradda Carabta.
Sidaa awgeedbaa Sheekhu waxa uu ku xusay dhambaalkii uu u diray culamadii Xaramka " Nabad-gelyo, bash-bash iyo barwaaqada Allaah korkiina ha ahaato, intaas ka dib, waxa na soo gaadhay ee dhibaato ah waad ogtihiin idinka iyo inta idinla hal maashaaba, sababtuna waxay ahayd duminta aannu duminnay xabaalo dad fiicani ku aasnaayeen, xabaalahaas oo laga dhigtay goobo cibaado, waxaannu u sheegnay in aan la baryin dadka dhintay, kuwa wanaagsan iyo awliyada toona, waxaannu amarnay in cibaadada Allaah kaligiis loo daayo. Intaasi waxay ku weynaatay dadkii wax-magaratada ahaa, waxaana soo hoos xuluushay dad aqoon diineed sheeganaya, dano kale se ulaabanyihiin, waad ogtihiin danahaas oo idinkama qarsoona, ha u mudnaato aduunyo jacayl eh.Tan iyo sababo kale awgood ayay bilaabeen inay naga faafiyaan ku-tiri-kuteen ah; in aan awliyada ceebaynaynno, dadka fiicanna af lagaadaynaynno, bari iyo galbeedba way u afuufeen warkoodaa, waxaanay naga sheegeen wax uu ka xishoonaayo qofka garaadka lihi".
Wakhtigan dambe, inkasta oo dheeraadka Rabbi awgeed wax badani ka hir-gali waayeen ujeedooyinkii dahsoonaa ee cadawga islaamku wadeen ee ahaa soo noolaynta Suufiyada iyo daahsaarka Tawxiidka si ummaddu u sii fuurto, haddana waxaad mooddaa in dad badani ku aafoobeen kuna hafteen dacaayadda odhanaysa: wahaabiyiintu waxay rabaan inay asalkii diinta umadda ka raraan, kuna sandulleeyaan wax ay iyagu soo dhoob-dhoobteen oo ka turjumaaya dhaqan, feker iyo ujeedooyin gaar ah oo ay dad leeyihiin, waa Sucuudigee. Dadka sida xun wax loogu sheegay waxaa ka mid ah Soomaalida oo dadka caadiga ah ee aan aqoonta lagu tuhmayn ka sakow, ay si wayn u liqeen intooda wax garadka ahi.
Waxyaabaha kudhaca ii siiyay in aan wax ka idhaahdo manhajka sheekh Muxammed ee doodda laba boqol-sano jirsatay ka jirto, waxaa ugu waynaa, aniga oo dhawr jeer oo dhab ahaan kala fogaa ku arkay qaar ka mid ah mareegaha ay Soomaalidu isugu tebiso wararka iyo afkaaraha, qoraalo in ka mid ah, (waayo maan arag qoraal si toos ah u abbaaraya mawduucan), lagu xusay waxa la yidhi wahaabiyada.Qoraaladaas waxa kamid ah mid uu lahaa qoraaga caanka ah ee Ibraahin Yuusuf "Hawd" (Aqoonyahanka iyo Afkiisa, redsea-online.com), oo sadarro ka mid ah aad ka dhan-dhansanaysey ereyada uu adeegsaday qoraagu, aqoon darro xooggan oo ka haysa Sheekh Muxammed iyo guud ahaan waxa lagu magacaabay wahaabiyada. Ibraahin 'Hawd' waa macallinkayga, runtiina waan u bogaa waayo-aragnimadiisa toban jirsatay sida uu isaguba sheegay, ee uu u lee yahay afsoomaaliga, laakiin taas macneheedu ma aha in isaga iyo inta kale ee la midka ahiba aanay gefi karin.
Ma aha cilmi baadhis, mana aha aqoon dheeraad ah oo aan ku soo kordhinaayo caabbinta xumaan la doonka Sheekh Muxammed, Allaah Ha u Naxariistee, laakiin waa iskuday uun ah bal in la helo badh ka mid ah waxa lagu difaacay Sheekheenna oo Af Soomaali ku qoran.Waxaan ku eegi doonnaa qormadan dhawr qaybood oo kala ah;
Sooyaalka Sheekh Muxammad Bin Cabdulwahhaab.-
-Maxay ahayd yeedhmadiisu?
- Eedaymaha loo soo jeediyay Sheekha iyo falcelintooda.
-Gunaanad.
Sooyaalka Sheekh Muxammad:
Sheekh Muxammad abtirsiintiisa ilaa awowgiisa lixaad waa: Muxammad bin Cabduwahhaab bin Sulaymaan bin Cali bin Muxammed bin Axmed bin Raashid, waxay Nabiga SCW ku kulmaan Ilyaas bin Mudar, waxaad ka eegi kartaa abtirsiintiisa oo dhamays tiran kitaabka; Culamaa'u Najd Khilaala Sittati Quruun, ee uu Bassaam leeyahay, dabcaddiisii u dambaysay, bogga 26/1. Sheekhu waxa uu ku dhashay magaalada Cuyaynah, oo 70 Km woqooyi/galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Riyaad, sannadkii 1115kii hijrada Nabiga SCW kuna beeganayd 1730kii miilaadiga.
Qur'aanka ayuu korka ka qaybay intaanu toban jirsan, waxa uu ahaa qof aad u maskax badan, xifdi xad-dhaaf ah leh, aabihiis sheekh Cabdulwahhaab oo ahaa garsooraha magaaladoodaas Cuyaynah, ayuu ka bartay Fiqhiga xanbaliga, yaraantiisiiba sheekh Muxammed waxa uu Rabbi jeclaysiiyay wax akhriska gaar ahaan tafsiirka, xadiiska iyo tawxiidka, oo markiiba ku degay garaadkiisa kuna abaqaalmay xidaddadiisa, ilaa la sheego in aabihii yidhi" Waxaan inankayga Maxammed ka bartay xeerar "Axkaam" badan oo islaamku lee yahay".
Haddiiba uu sheekh Muxammed AHN qaan gaadhay, waxa uu u guntaday inuu soo guto waajibka xajka, isla markaana la soo kulmo waxna ka soo barto culamadii Madiina oo uu soo mari doono marka uu qabriga Nabiga SCW booqanaayo. Sheekhu waxa uu kula kulmay Madiina laba caalin oo aad u miisaan badnaa, mid waa sheekh Cabdallah bin Ibraahiim bin Sayf, oo ah sheekha caanka ah ee leh kitaabka; Al-cadbul Faa'id fii Cilmil Faraa'id; aabihii, iyo sheekh Muxammed Xayat Assindi. Waxaana laga yaabaa inuu kuwo kale la kulmay hase yeeshee labadan sheekh ayaa ugu mudnaa.
Waxa uu sheekhu u baqoolay Ciraaq, waxaanu in muddo ah deggenaa magaalada Basra, halkaas oo uu wax ka soo dhagaystey culamadeedii, waxa uu isku dayey inuu u dhaafo Shaam laakiin, jeeb yari awgeed, sida uu sheekh Ibn Baas AHN ku sheegay cashar uu ka jeediyey Jaamicadda Islaamka ee Madiina waahore oo uu madaxweyne ku xigeen ka ahaa, ayay u hirgali wayday riyadaasi. Waxaa xusid mudan in sheekada ay buunbuuniyaan Suufiyadu, ee odhanaysa inuu sheekhu gaadhay Iiraan, isla markaana bartay afafka Faarisiga iyo Turkiga, waxna ka cabbey falsafedda iyo suufinnimada, waxa qoray uun warkan kitaab la yiraa: Lamcu Ashihaab, oo sal la'aanta waxa ku sheegan ka sakow, aan la garanayn cidda qortay, wax ka jirana ma leh, sidaasna waxaa caddeeyay inankii sheekhu awawga u ahaa ee ina sheekh Xassan iyo inankiisii sheekh Cabdulladiif. Waxaa uu sheekhu u gudbay Subayr, haddana Axsaa' ka hor intaanu soo gaadhin Xuraymlaa' ku dhawaad sannadkii 1140kii hijrada mustafaa scw.
Goobtaas ayuu ka bilaabay dacwaddiisii dib u soo noolaynta Tawxiidka iyo hufidda buushiga itaalka ah ee ku habsaday garaadka dadka dahaadhkana saaray indhaha xaqqa arki lahaa hadday fiirsan lahaayeen, isaga oo ku jira wax barid, barasho iyo boodh ka tunka caqiidada saxda ah ayaa uu aabihii geeriyooday sanadkii 1153kii hijrida Nabigeenna SCW, waxaana isla markiiba ku kacay dabaylo duufaanno walwaalaya oo isbaddal diid ah, waxaana keenay kacdoonka, ka dib markii uu sheekhu ku xoogaystay Allaah-na ku guuleeyay inuu wax badan ka qabto dulmigii dadku dhex dabbaalanaayay ee ahaa shirkiga, iyo talo uu siiyay amiirkii Xuraymlaa' oo ahayd inuu xidh-xidho koox mooryaan ama budhcad ahayd oo isbaaro dhigan jirtay duleedka magaalada.
Ku noolaanshihii Xuraymlaa' way ku adkaatay sheekha ka dib markii loogu cagajugleeyay dhawr jeer in la dili doono haddii aanu ka tanaasulin wax ka sheegga budhcaddan. Waxa uu u soo hijrooday "qaxay" sheekhu magaaladiisii hore ee Cuyaynah, oo iyada lafteeda aabihii laga soo eryay 1139kii hijrada is afgaranwaa dhex maray isaga iyo amiirkii magaalada awgeed. Sheekh Muxammed AHN waxa uu magansaday amiirkii Cuyaynah oo ahaa amintaa Cusmaan bin Muxammad, sheekh Muxammad waxa uu ka baxay Xuraymlaa' isaga oo fara madhan, cidkalana aan lahayn Allaah mooyaane…oo maanu Allaah ku fillayn?! Mayee waa ku filanyahay oo maba hoojin eh markii uu soo galay Cuyaynah waxa uu ku soo degay amiirkeedii, si diirran ayuu u soo dhaweeyay waxaanu u fasaxay inuu yeedhmadii Tawxiidka halkii ka sii ambaqaado.
Dedaal badan oo uu sameeyay awgeed, waxa markiiba cirka isku shareeray magaciisii, waxaana looga soo kolanyaystay dhammaan tuulooyinkii ku teedsanaa Cuyaynah.
Wakhti sidaas ah kumay qaadan inuu gaadho heer uu ku qanciyo amiirkii Cuyaynah –taageeridda Allaah ka dib- sharci darrada xabaalaha qudbiyaysan ee lagu dawaafo waxna loo gawraco, waxaanu ka codsaday Cusmaan bin Mucammar inuu oggolaansho u siiyo in la dumiyo qudbigii ugu halista badnaa, ee ku dhawaaday in la caabudo, isla markaana wuxuu ku guulaystay inay raacaan amiirkii iyo ciidan lix boqol ah oo iimaanka qanjaha gaadhay ka sakow, ku hubaysnaa saanaddii ugu dambaysay ee waagaa, si haddiiba wax weerar ahi ka yimaado awliyada shaydaanka dhabarka looga jebiyo.
Guushaas u soo hoyatay sheekha ka dib, waxaa warkii gaadhay madaxwaynihii Axsaa', waxaanu ahaa ruux aad u qallafsan jaahilna ah, markiiba waxa uu ka cabsaday in uu sheekhu AHN warkiisu sii fido ummadduna isku dhiibto isla markaana xukunka ka tuuro, sidaas darteed buu ugu hanjabay amiirkii Cuyaynah ee sheekha magan galiyey, in haddii uu si degdeg ah u eryi waayo sheekha, uu ka goosan doono dahabkii sannadlaha ahaa ee uu ugu deeqi jiray Cuyaynah.
Cunaqabatayntaas dhaqaale ka dibna duulimaad laaxad leh ku soo qaadi doono, waa sidii Ciraaq dhawaan Maraykanku u galaye.
Amiirkii Cuyaynah wuu cabsadey waxaanu sheekh Muxammed ka codsaday inuu si nabad gelyo ah iskaga baxo. Waano, caqlicelin iyo Allaah xasuusin ka dib, sheekhu muu awoodin markan inuu qanciyo amiirka, waxaanu ku khasbanaaday in uu ka baxo Cuyaynah.
Layaab ma leh oo ilaa intii Rabbi koonkan taagay, waa silsilad soo taxnayd in qofka xaqqa wada la hoojiyo lana silciyo balanbal na u dhammaado. Taas waxaa inagaga filan sidii Rasuulkeenna aan wada jecelnahay SCW loo dhibay looguna sarsarriigay Daa'if markii uu u caal waayay tolkii iyo intii la dhalatay ee ku uumnayd Makka. sheekh Muxammed iyo inta xaq u dirirka ahiba waa lama huraan inay ka qaxaan goobta ay jecelyihiin inay calanka xaqqa ka taagaan.
Sheekhu isaga oo cagadhabanaaya, dhamasta dhacaysana shimbiruhu soo daadanaayaan ayuu lug ku soo galay Dirciyah, sahaydiisu waxay ahayd xuska Allaah:
{ وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ }
Markii uu soo galay magaaladaas ayaa uu abbaaray guriga nin la odhan jirey Ibn Suwaylim Alcariini. Goortii uu garaacay kadinkii, waxaa dhul iyo cirtoona qaadi waayeen Ibn Suwaylim oo ka baqay in loo qabsado sheekha, laakiin dheeraadka Allaah dartii waxa uu karay sheekh Muxammed inuu dejiyo Ibn Suwaylim xasuusiyana in qofka Rabbi la safto cidi jabinayn, muddo yar ka dib waxa uu u wareegay guri kale oo uu lahaa Ibn Suwaylim ardaygiisii, Axmed, goobtaas barakaysan baanay ka bilaabantay in culamadii reer Dirciyah ku kulmaan, kulana sheekeystaan sheekha martida iyo magantaba u ah. Sidii caadada u ahayd sheekh Muxammed waxa uu u bandhigay yeedhmadiisa culamadii Dirciyah, si heer sare ah ayay u soo dhaweeyeen, waxaanay isku dayeen in amiirka Dirciyah loo sheego loona saafo waxa uu wado sheekhani, laakiin cabsi awgeed way kula dhici waayeen.
Muddo waxay qariyaanba waxay is tuseen inay ka soo wareegaan xagga marwada amiirka oo ahayd gabadh garaad badan, diintana jecel, way u tageen waanay u daah-fureen ujeedadooda, isla markiiba way ku qanacday waxaanay ballan qaaday inay Ibn Sacuud u bandhigi doonto warkan, iyada iyo amiirka walaalkii ayaa awooday inay ku qanciyaan amiirka lagama maarmaan-nimada in loo gargaaro sheekh Muxammed maadaama waxa uu wadaa yahay Tawxiid, jidkii Rasuulka scw iyo in cibaadada Allaah oo kaliya loo falo.
Amiirkii ku qanac, booqasho ayuu ugu tagay sheekh Maxammed waxaanu u ballan qaaday in inta uu xididkiisu qoyanyahay, noloshana baalal u laabanyihiin maamulkiisa si xor ah uga dhex faafiyo dacwaddiisa, una ilaalin doono sida uu u ilaaliyo caruurtiisa iyo dumarkiisa.
Sheekh Muxammed-na waxa uu ugu bushaareeyay in haddii uu sidaa falo -oggolaanshaha Allaah awgii- ku noolaan doono sharaf, horumar iyo maamul waara maadaama uu kor u qaaday kelmadda Tawxiidka ee: ILAAH XAQ LAGU CAABUDAA MA JIRO ALLAAH MOOYAANE. Eeg kitaabka: Cunwaan al Majd, B1/11-12.
Halkaas baana laysku gacan qaaday laguna ballamay in diintan sidii nebi Muxammed scw ku ogaa loo celiyo, lagana buufiyo, diinta asalkeedu waa saafi eh, jeermisyada sida ula kaca ah ama moogaanta ah loo qaadsiiyey.
Maxay ahayd yeedhmadiisu?
"Imaam Muxammed bin Cabdulwahhaab waxa uu u kacay in uu diinta Allaah kor yeelo, tawxiidka dadka u tilmaamo, islaam-nimada ka hufo soo- galaytiga iyo sheeko baraleyda dadku ku dareen, wanaagga ayaa uu faray xumaantana waa u diiday".
(Sheekh Cabdulcasiis bin Cabdalla bin Baas)
Intaan sheekhu AHN soo bixin, reer Najd waxay dhex muquursanaayeen badweyn shirki ah, waxaa kob walba yuururtay qudbi qabri laga taagay lana barakaysanaayo, goob walba waxaa jilbaha aastay niman sheeganaaya inay waxna dilaan waxna nooleeyaan magacii sharafta lahaa ee Wali-na isku raray, si ay shilimaad ugaga furtaan ummadda jahligu biyo dhigay, waxaa loo qaybasanaa mid wali waahore dhintay barya, mid baasaysi iyo balaayo ku basbeela iyo mid intaaba ka sii liita oo xabaal caabuda.
Sida sheekh Ibn Baas sheegay waxaa dadka qaar gaadheen inay dhagaxaan cibaado u falaan, waxna u gawracaan. Waxay ku jireen xaalad qof kasta oo islaam in uun wax ka bawsaday ka biyo diidaayo, diinta rabbina aan shaqo iyo shuqul toona ku lahayn.
Xilligaas daruuraha gudcurka ahi hadheeyeen umaadda ee inna xasuusinaysa wakhtigii ka horreeyay 611 miilaadiga, intaan Allaah Nabi Muxammed SCW gurmad uga soo dhigin xaaladdii rogmadka ahayd ee umadda, ayaa sheekh Muxammed (ahn) yeedhmadiisani ku soo beegantay.
Sidii Nabigu SCW sheegay, diintan Islaamka ah rabbigii soo dajiyey ayaa dhawraya sidaas darteedbaa qarni kasta cid baalinnimada ka saarta oo sidii ay ku soo degtay nolosha ugu celisa u soo saaraa.
Sheekh Muxammed yeedhmadiisu waxay ku salaysnayd kitaabka Qur'aanka ah iyo sunnaha Nabiga SCW, waxaanu si weyn ula dagaalamay shirkiga oo ah in Allaah cibaadada cid kale lala wadaajiyo, ha ahaato baryo, gawrac, dheef ka sugid, cid ka magan gal, ka cabsasho, u tukasho amaba nooc kale oo cibaado ahe. Waxa kale oo uu geed ku xidxidhay sixirkii, faalkii, baasaysigii, burjigii, falalowgii iyo dhamaan wixii dadka ka marin habaabinaayey jidka toosan.
< Waxaa caddayn kuugu filan kaliya inaad akhrido mid ka mid ah kutubtiisa, adiga oo miyar qaba oo maskaxdaada la kaashanaayana barbar dhiga yeedhmadii Nabi Muxammed scw, muxuu ka gaddiyey, muxuuse ka daboolay. Waana kuwan badh ka mid ah kutubta sheekhu:/p>
Kitaab Attowxiid: Waa mid kamid ah kutubtiisa ugu magaca dheer, waxaanu sheekhu kaga hadlay Tawxiidka iyo daafihiisa, shirkiga iyo fadqalaladiisa.
Kashfu Ashubuhaat: Waxaanan odhan karnaa wuxuu dhammaystir u yahay kitaabkani ka hore.
Alusuul Assalaasa: Kitaabkan sheekhu waxa uu ku sharxayaa Allaah, diinta islaamka iyo Nabiga scw, waxaanu u soo bandhigayaa qaab aad u heer sarreeya.
Kitaab Alkabaair: Waxa uu ku xusay dhammaan gefefka noocyada waaweyn, ka dibna mid mid ayuu u qaadaa dhigay isaga oo adeegsanaaya aayado Qur'aan ah iyo axaadiis sugan.
Nasiixatu Almuslimiin: Kani waa kitaab madax bannaan oo aan xidhiidh la lahayn kuwaas hore, waxaanu ku ururiyay axaadiis la xidhiidha dhammaan dhinacyada nolosha qofka muslimka ah.
Masaa'il Aljaahiliya: Kitaabkan waxa uu sheekhu ku sheegay 131 mas'alo oo uu Nabigu 'scw' ku diiday gaaladii waagaas.
Waxaa kaloo jira kutub badan oo lagu falanqeeyey sheekha fikirkiisii, waxaana ugu muhiimsan inta aan arkay:
Sheekh Muxammed bin Cabdulwahhaab Xayaatuhu wa Fikruhu: Dr Abdallah Saalax Alcusaymiin
Al-Imaam Ashiikh Muxammed bin Cabdulwahhaab fii Attaariikh: Abdallah Bin Sacad Arruwayshid.
Ashiikh Muxammed bin Cabdulwahhaab Dacwatuhu wa Fikruhu: Dr Abdallah Yuusuf Asshibl.
Imaam Muxammed bin Cabdulwahhaab- inkasta oo ay habboonayd in aan qoraalkan gabigiisa ereyga 'Imaam' adeegsado- waxa uu geeriyooday 1206 hirjarada nabiga scw (1793 miilaadiga), ka dib xanuun in bil ah hayey, halkaasbaanay ku soo laabmeen baalal cadcad oo jihaad , dedaal , nafhurid iyo noolaynta Tawxiidka ah. Allaah ha u naxariisto sheekh Muxammed bin Cabdulwahhaab, hana ka waraabiyo darka nabiga ee qofka kabbasho ka firiq siiyaa dib aanu u harraadayn….allaahumma aamiiiin.
Eedaymo iyo Falcelinno:
Waxyaabaha lagaga been abuurtay sheekha way badnaayeen, kumana soo wada koobi karo qoraalkan gaaban, hayeeshee waxaan soo qaadan doonaa inta aan islee yahay way habboontahay in la xusaa, waan taxayaa ka dibna jawaabaha ayaan gadaal kaga gedfeyaa.
1-Wuxuu sheegtay inuu Nabi yahay!!
2- Sheekh Muxammed iyo inta raacsani, Allaah waxay ku sheegayaan inuu leeyahay gacmo, waji, cadho iwm ee tilmaamo daato, (jidh: hadday habboonaato in la adeegsado eraygan) ama fal ah.
3- Garaadka ama caqliga dan kama galaan marka la eego masaa'isha diiniga ah.
4- Waxay rumaysanyihiin in cid kasta oo ka baxsan kooxdoodu gaalo yihiin!
5- Booqashada xabaalaha iyo u faataxayntoodu waa xaaraan agtooda.
Bal falcelintana ila eeg
Waa ta koowaade; Waxa uu ka rumaysanyahay mas'alada Nabinnimada isaga ayaa si cad uga jawaabay, waanay ku fidsantahay meelo badan oo kutubtiisa ah, waxaanu ku sheegay dhambaalkii uu reer Qasiim u diray markay wax ka waydiiyeen Caqiidadiisa " Waxaan rumaysanahay nabigeennii Muxammed scw, inuu yahay rasuulkii Allaah, yahayna kii ugu dambeeyay rususha iyo anbiyadaba, qof iimaankiisu hagaagayaana ma jiro ilaa uu rumeeyo kana dhab sheego".
Been abuuradkani markii ugu horeysay waxa soo saaray Ibnu Cafaaliq, waxaa ku xigay Calawi Alxaddaad oo ku sheegay been abuurkan kitaabkiisa 'Misbaax Al-anaam' iyo qaar kaloo badan.
Waa ta labaade; sheekh Muxammed AHN caqiidadiisu waxay ahayd tii Nabiga iyo saxaabadiisu ku sugnaayeen, oo ahayd in wixii Rabbi isku sugay tilmaamo (Sifaat) loo sugo, ha ahaadaan kuwo daati ah sida gacan, il ama waji. Ama kuwo fal sida cadho, raalli noqosho, soo dagid ama ku sugnaasho carshi eh, iyada oo aan la odhanayn caynkee? side? iyo waayo? toona, waana ta ay rumaysanyihiin AHLU-SSUNNAH WAL-JAMAACAH.
Waa ta saddexaade; sheekhu waxa uu qabaa in caqliga ama garaadku ku xidhan yahay Waxyiga, caqliga saxarka la' ee bedka qaba iyo waxyiguna aanay iska hor iman laakiinse ay is xoojiyaan, lagumana hayo meel kali ah oo ka mid ah kutubtiisa oo uu ka hor yimid Qiyaaska culumada, waxana uu kala mid yahay mas'alada xagga qiyaaska, sheekh Axmed bin Xanbal sida uu Abu Suhrah ku sheegay kitaabkiisa " Taariikhul Madaahib Al-islaamiyyah" bogga 532.
Waa ta afraade; warqad uu sheekhu qoray oo la helay goortuu Amiir Sacuud bin Cabdulcaziiz galay Madiinah, waxa uu ku sheegay " madhabkayaga xagga asalka diintu, waa madhabka Ahlussunnah wal Jamaacah, xagga laamaha ama furuucdana waa madhabka Axmed bin Xanbal, mana diiddani in madaahibta afarta ah mid ka mid ah la raaco…………" ilaa laga soo gaadho hadalkiisa ah " beenta lanaga sheegay ee la lee yahay inaan gaalaysiinaynno dadka, inaan diiddannahay salliga Nabiga scw iyo dheeraadka ay lee yihiin Ahlu Baytku, waxaas oo dhan waxaan leenahay 'SUBXAANAKA HAADAA BUHTAANUN CADIIM'. (Waa siduu sheekhu hadalka u dhigaye).
Waa ta shanaade; xabaalaha ma mid mise mid, waa mide hadii ujeeddada loo booqanaayaa tahay in laysku masaxo, wax la waydiisto ama laga dul botoriyo, taas culumadu way ka digeen, isaguun maahee afarta imaam ee muslimiintu-na way ka dardaar wariyeen.
Hadiise loo booqanaayo in lagu waano qaato, loo duceeyo aakhirona lagu xasuusto sidii nabi Muxammed scw samayn jiray, cidda ku eedaysay meel ay ka soo rartay garan maynno, helina maysid weedh sheegaysa in sheekhu diiddanaa in lagu waano qaato qabuuraha.
Intaynnaan ka bixin qaybtan waxaa xusid mudan, in wadaadka weyn ee masiixiga ah, dalka Jarmalka-na u dhashay ee magiciisa la yidhaa Golozihar Ignoz uu ku xusay buuggiisa la yidhaa: Muslim Studies, P 259, waydiimahan iyo kuwo kale oo badan, baadhitaan uu ku sameeyay sooyaalkii muslimiintii horena ku ogaaday in sheekh Muxammed yeedhmadiisu qumman tahay kuna sar go'antahay tii qarnigii 1aad, 2aad iyo saddexaad ee taariikhda muslimiinta , isla markaana muslimiintu seexdeen ka dib markii khuraafaadku sal dhigtay ee ay ku talax tageen karaamaatka awliyada iyo gaaf wareegga xabaalaha. Sheekh Muxammed-na qayb weyn ka yahay soo noolaynta ummadda muslimka ah.
Sidaa darteed baa tabaha iyo xeeladaha ay la maaggan yihiin reer galbeedku dadka muslimiinta ah ay ka mid tahay, in la dardar geliyo soo noolaynta suufiyadii goraygu ka hadaafey, si aanay uga soo kicin warmaha halbawlayaasha lagala beegsanaayo.
Gunaanad:
Waxaan ku soo goynayaa qoraalkan kooban, wixii aan garab maray waa naftayda iyo shaydaanka, wixii aan abbaarayna waa Allaah dheeraadkiisa.
Waxa kale oo aan rabaa inaan xasuusiyo ciddii dood ka qabta sheekh Muxammed bin Cabdulwahhaab iyo dacwaddiisa in kadinku u furan yahay.
xxwarfaa@hotmail.com
Ka eeg halkan maqaalladii - Anonymous