Taxanaha Dhaxalreeb II/2007:
Miisaanku waa furaha kala
asooridda badaha maansooyinka
Soomaaliyeed
Waxaa Qorey:
Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Barwaaqo’
Dhawaanahan dambe waxa si aad ah isu soo taraya kala garasho la’aanta
ama kala saarid la’aanta badaha ay ka soo jeedaan maansooyinka Soomaaliyeed.
Sidaasi awgeed waxad arkaysaa dad badan oo jiifto gabay ku sheegaya, ama
geeraar gabay ku tilmaamaya. Waxan haddaba qoraalkan kooban wax kaga
sheegi gefefkaasi iyo sida ay wax uga jiraan. Waxa kale oon tilmaami sida
aragtida Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaarriye” ee miisaanka maansadu u tahay
furaha ugu habboon ee ilaa maanta la hayo ee loo adeegsan karo kala asooridda
badaha maansooyinka Soomaaliyeed iyo kala garashada maanso kastaa badda
ay ka soojeeddo.
Aan ku bilaabee, intaan dalku burburin, dadka iyo afkuna habaqle noqon,
waxan u haystey in la kala yaqaanney badaha maansooyinka Soomaaliyeed oo
ay aad u adkayd isku murgintoodu. Waxa kale oo aan filayey in la yaqaan maansakastaa
badda ay ku abtirsato. Hase ahaatee, malahaasu wuxu afka u dhacay
kolkii aan dhawaan dareemay in dhibaatada maanta jirtaa kaba horreysey burburka.
Tusaale ahaan, maansada hoos ku qoran ee uu tiriyey Xuseen Dhiqle ayaa
lagu sheegey iney gabay tahay ( Aw Jaamac Cumar Ciise 1999).