header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Furitaan: Sheekh Readers Club.
Furitaankii qiimaha lahaa ee Naadiga Degmada Sheekh - Sheek Readers Club

Waxay ahayd madal aad loo soo qurxiyey oo ay soo agaasameen dhallinyaro qiimo iyo qaayo leh halkaas oo annagana naloogu soo dhaweeyey si xurmo iyo sharafiba ku dheehantahay.

Waxaa farxad ii ahayd martiqaadka iyo kaqaybgalka munaasibad qiimo lahayd oo loogu talagalay furitaanka naadiga akhriska ee degmada Sheekh oo loogu magacdaray degmada loona bixiyay SHEEKH READERS CLUB. Madashan ayaa ahayd madal aad loosoo qurxiyay oo ay soo agaasimeen dhallinyoro qiimo iyo qaayo leh halkaas oo anagana naloogu soo dhaweeyay si xurmo iyo sharafiba kudheehantay.



Munaasibadan ayaa ahayd mid bulshada reer Sheekh iyo dhammaan marti sharaftii kasoo qayb gashayba ay u riyaaqeen farxad iyo rayn rayna galisay horumarka ay gaadhay dhallinta degmada Sheekh, bulshada ku dhaqan iyo dhammaan mujtamaca jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan.



Madashan ayaa ay kasoo qayb galeen gudoomiyaha degmada Sheekh iyo ku xigeenkiisa waxaa kaloo kasoo qaybgalay naadiga akhriska Burco ee HALKARAAN READER CLUB iyo naadiga Berbera ee BERBERA READERS CLUB iyo ardayda dugsiyada kala duwan ee degmada Sheekh kuwaas oo ahaa kuwa la doonayo inay naadiga kor uqaadan oo ay wax akhriyaan run ahaantii waxaa wajiyadooda hadhaysay faraxad aad u heer sarraysa oo nuurka kasoo boo dayaa ayaad moodaysay inay fallaadhaha cadceeddu dhinac naga hayso. Waxaan odhankaraa arday kastaa iska daa xisaha iyo farxada oo kaliyee waxaa uu niyaysanaayay buugaagtii uu akhriyi lahaa iyo waliba kii uu soo bandhigi lahaa.



Run ahaantii munaasibaddan waxa ka hadlay ugu horrayntii Ismaaciil Xuseen Cali oo kamid ahaa ardaydii dhammaysatay dugsiga sare ee Sheekh islamarkaana ah arday jaamacadda Suudan katirsan waxaa uu ujeediyay mahadnaq iyo hanbalyo aad u ballaadhan dhammaan martishaftii isugu yimi munasibadaa.



Waxaa uu ka hadlay dulucda wax akhriska iyo qoraalku leeyahay waana ta munasibadan loo furay waxaa uu sheekay inay sheekh tahay degmadii ugu horaysay ee naadi laga furo waxa uu intaa ku daray caqabadaha bulshada kaga horyimi markay fikirkan hirgalinaayeen waxa uu yidhi waxaa aad noogu adkaatay ka dhaadhicinta bulshada kalmadda Club oo ah ta naadi kasta magaciisa ugu danbaysaa taaso ay bulshadu nagu dhalliishay iyagoo ka haystay fikir khaldan oo ah in club la yidhaahdo oo kaliya meelaha baararkaa markaa ay moodeen inaanu wadno sumcad darro sikastaba ha ahaatee waxanu kuguulaysanay inaanu ka dhaadhicino oo ay uqaatan sida saxda ah. Waxa intaa u dheerayd Ismaaciil inay ku faraxsanyihiin oo ay heegan u ahaan doonaan naadigan ka hirgalay demada Sheekh.



Waxa isna ka hadalay Maxamed ibraahim faa'iidada wax akhrisku leeyahay Maxamed wuxuu muujiyaay dareen uu ku taageerayo furitaanka nadiga Sheekh kadib waxa uu kahadlay wax akhriska isagoo tusaale usoo qaatay Cali Binu Abidaalib Alle ha ka raalli ahaadee xadiis uu kaga waramayo aqoonta taaso ahayd aqoonta hadii aad bixiso way badataa laakin hadaad maalka bixiso wuu yaraada, aqoontu way ku hagtaa see maalka adigaa haga.



Waxaa kaloo madashaa waano alle kacabsi badan xanbaarsan kajeediyay sheekh kamid ah sheekh yada degmada mudane Macalin Axmed waxa uu in badan kuu waaniyay ummadda islaamka inay illaahay agtiisa markastaba u dhawaadaan oo ay alle ka cabsiga badiyaan iyo tixraaca sunnaha nabigeennii suubbanaa (N.N.K.H) sheekhu waxaa uu yidhi waynaanta iyo karaamaynta Alle ayaa guul kasta lagu gaadha ee da'yarta waxan kula dardaarmayaa inay ku xeel dheeraadaan qawlka illahaay iyagoo ku dadaalayaa barashada cilmiyada kalena waxaa uu tusaaale sheekhu usoo qaaday in gaaladu midaysanyihiin balsee aanay islaamku midaysnayn waxa uu kusoo gaba gabeeyay duco ah in illahaay ummaada nabi Maxamed (C.S.W) danbigooda dhaafo aamin aamin ayaynu inaguna leenahay.



Waxaa hadal xigmad waano iyo waxtarba leh kasoo jeediyay madashaa Axmed Abokor oo kamid ah dhallinta firfircoon ee uu ku dhisanyahay naadiga akhriska Berbera Readers Club waxaa uu soo jeediyay salaan aad u qimo badanayd, mahad naqad iyo guubaabo uu ku dhiirigalinayo dhallintii is xilqaamay iyo dhammaan bulshada reer Sheekh.



Axmed waxa uu yidhi waxaa noo farxad ah in naadi laga sameeyo degmada Sheekh oo kamid ah gobolka Saaxil maadama ay noqotay dagmadii ugu horaysay ee naadi laga furo.



Waxaa uu sheekay isagoo ay soo wakiisheen naadiga akhriska Haragaysa readers club inuu uga sido hanbalyo ay ku faraxsanyiin furitaanka naadiga iyagoo ahaa nadigii ugu horreeyaay ee laga sameeyo dalka. Waxaa uu intaa ku daray inay Jaamac Muuse Jaamac iyo Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah qoraayaasha reer Somaliland ee qurbojoogga ah ay soo fareen farriin ah hanbalyo islamarkaana ay ka guddoomeen bulshadii degmada Sheekh.



Waxaa isna hadal xusho iyo milge badani ku dheehan yahay kasoo jeediyaay munaasibaddaa isku xidhaha naadiga akhriska Burco HALKRAAN READER CLUB Jaamac Axmed Maxamed waxaa uu u jeediyaay mahad naq ballaadhan bulshada reer Sheekh sida fiican ee ay noogu soo dhaweeyeen martiqadka xafladan oo runtii noo wada dan ahayd dhamaan naadiyada akhriska dalka. jaamac waxaa uu sheekay inay ku faraxsanyihiin dhamaan xubnahaa naadiga halkaraan furitaan ka naadi cusub oo ay heegan uyihiin horumarka wax akhriska iyo qoraalka islamrkaana ay hiil iyo hooba lagarabtaaganyiin naadigan cusub ee degmada sheekh ka hirgalay 15/8/09 waxaa uu yidhi noqdaa kuwo fikirkaa ay imika hindiseen kusii adkaadaa waxaa uu tusaale usoo qaaday guushu way fududay sida lagu gaadhaa ee waxaa adag sida loogu sii adkaado waaritaankeeda. Hadaba waxan leeyaay bulshada reer Sheekh gaar ahaan dhallintii isku soo hawshay waan hubaayo hurumarbaad gaadhaysaane himiladiina fogeeyaa oo yuu hadifkiinu noqon hal bacaad lagu lisay ee ku da'daala sidaa dalka wax uga badalilaydeen fikrado cusubna ugu soo kordhinlaydeen, waxaa uu yidhi waxaan xasuustaa maalintii naadiga aannu Burco ka furaynay inay caqabadan idin hortaallaa maanta ay na hortaallay balse aanu hadda ka gudubnay markaa waxaan idiin ogay inaydun maalindhaw ka gudbidoontaan waayo horaa loo yidhi geesinnimadu waa cagaha oo dhulka lagu siiyara hayo ee idinku udhabar adaygaa hawshaa hada farasaarteen samirna kudaraa horaa loo yidhi samaraa sadkii hela. Waxaa kale oo uu ka dhawaajiyaay inay deeq buugaag ah soo gaadhsiin doonaan naadiga Sheekh readers club.



Waxaa iyana hadal murti leh kasoo jeedisay Iimaan oo ah runtii inan dhalinyoro ah oo aad u firfircoon kana mid ahayd dhallintii fikirku ka yimi in naadiga Sheekh la sameeyo Iimaan waxay sheegtay inay tahay dhalinta wax akhriska jecel waxay tidhi sababta nagu kalifktay waa markaan daraasad kusamaynay dhallinta badankeeddu kaabadaha fadhiyaan ee waxna qayilayaan waxna sigaarka isu dhiibayaan taasa aniga i galisay calool xumo aad u murugo leh naguna kaliftay inaanu fikirkan midayno islamrkaana waxaan rajaynayaa inaanu ka midho dhallinno xilkan culus ee aanu dooranay.



Waxa hadal masuulnimo kasoo jeediyay guddoomiyaha degmada Sheekh mudane Ibraahin Cabdillaahi Cabsiiye runtii waxaa uu yidhi waxaan u kacay inay niyo samid aan ku niyo samay furitaankaa naadiga degmada Sheekh runtii guubaabo iyo dhiiri galin hadhayba garan maayo ee waxaan kula dardaarmayaa dhallinta inay halkaa kasii kordhiyaan dadaalka oo ay u dhabar adaygaan mawqufkooda anaguna waxaanu lagarabtaaganay wax alle wixii ay nooga baahdaan muuq iyo maalba.


Gabagabadii waxaaa deeg buugaag ah gudoon siiyay isku xidhaha naadiga Berber Idiris Xusseen Cabdillaahi.

Nuura Happy Maxamed Cali
(halkaraan readers club)
E-mail sadaashuwaaguul@live.com
nura_hapned@hotmail.com

Nuura Happy Maxamed Cali

Contents published on: 2009-08-19 (757 reads)
Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.