header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Isha Qarsoon(IQ): Tan ku bukood, bakteeriyada iska bari ayaa dhaanta

In door ah ayaan ku talojiray in aan u kuurgalo xaaladda adeegga caafimaad ee magaalada Burco. Uma baahnid in aad kuurgasho, uma na baahnid aqoontii Aynistayn(Einstein), halkaas sida birta laydhka uun istaag oo wax eeg.

In door ah ayaan ku talojiray in aan u kuurgalo xaaladda adeegga caafimaad ee magaalada Burco. Uma baahnid in aad kuurgasho, uma na baahnid aqoontii Aynistayn(Einstein), halkaas sida birta laydhka uun istaag oo wax eeg.


Wax badan baan eegay, waxa na iiga soo baxay sawir murugo leh. Baahida guud ee bulshada ka haysata waxa loogu yeedho daryeelka aasaasiga ah waxa kaga sii daran aayaxumada aqoonyahanka, siyaasiga iyo hoggaanka bulshada. Il u furan oo xal lagaga baxo dhibaatooyinka isdul tuurani ma jirto, waa agaraadam.


Iyada oo kuurgalkaygii iskaga kooban yahay eegmadii uun ayaa wiil aannu qaraabo nahay Hawd ka soo qaaday oday qallal ku dhacay. Guure ayaa odaygii lagu keenay cisbitaalka guud(waa haddii magac cisbitaal lagu sheegi karo), qayb lagu tilmaamay gargaarka degdegga ah ayaa la dhigay. Waxaan wiilkii ka waraystay xaaladda odayga, kuye sayloon(faleebooyin) ayaa lagu rakibay ma se miyirqabo. Wuxuu ii raaciyay sheeko kale oo naxdin leh.


Goortii aannu odayga soo dhignay qaybta gargaarka degdegga ah waxa aannu ugu nimi nin meyd u eg oo meel saaran. Ninku waa Oromo, afka iyo sanka ba waxa ka socda dheecaan, askar baabuur ku sidda ayaa meesha keentay oo tidhi inuu sumoobay ayaannu u malaynaynaa. Ninka waxa lagu tilmaamay inuu yahay kuwa magaalada xashiishka ka gura.


Xashiish lama guro, sidii boodhkii marka harqadda lagu dhufto hadba gees u guuri jiray ayaa la guurguuriyaa, halkan ka qaad oo halkaas dhig weeye. Dadka guurguurintaas sameeyaa waa danyar Oromo u badan. Ninka haraggiisa cisbitaalka la soo dhigay dadkaas buu ka mid ahaa baa la yidhi. Xereeye ayay Burco u taqaannay ayaa la yidhi.


Wiilkii aroortii dambe ayuu haddana sheekadii ninka iigu celiyay. Wuxuu ii sheegay in isaga xaaskiisa oo cisbitaalka kalkaaliso ka ahi ay ninkii Oromada ahaa shimbir u noqotay. Waxay ugu qaylisay wiilal yaryar oo kalkaaliyayaal ah. Tuumbo wixii uurkiisa ku jiray ka soo nuugta ayaa lagu rakibay, sayloon na waa lagu xidhay. Caano ay soo iibiyeenna way ku habeen. Way u dedaaleen intii itaalkood ah.


Ninka Xereeye sheekadiisii xiiso gaar ah ay ii samaysay. In kuurgalkaygan maalaayacniga ah ee aan kolba rukun ku gabbanayo sheekada Xereeye ka kuurgalsan tahay ayaan isdareensiisay.


Cisbitaalkii ayaan isu daruuriyay. Odaygii qallalku ku dhacay ayaa inantii uu awowga u ahaa ee kalkaalisada ahayd suuqa uga soo kaxaysay dhakhtar aad u da' yar oo Hargeysa ka yimi, aqoon ay isu leeyihiin ayay tidhi awowgay ii eeg. Dhakhtarku ka ma shaqeeyo cisbitaalka, hor Ilaahay ayuu meesha u marayay.


Cisbitaalka guud waxa muddo dhexe la wareegtay hay'ad ayaan maqlay, qaybaha haweenka iyo carruurta ayay hagaajiyeen, tan se aannu ku soconnaa waa Gargaarka Degdegga ah(A&E), waa qaybta cisbitaalkasta ugu muhiimsan ee nafta lagu la eerto.


Qacdii hore ba waxa aan ka naxay aragga dhismaha, waa saddex qol oo yaryar oo is gudubyaal. Dadka qurbuhu waa fatoosh miidhan, wax dhalaalaya oo ballaadhan ayuun bay raadiyaan, liq fatooshnimadaada oo gudaha eeg ayaan is idhi.


Bartaas wejigayga oo kadinka aannu ka gallay ku beegan waxa daadsan, oo sariir kuwa dhaawaca la saaro ah, ku kala wadhan nin meyd u eg. Degdeg baannu u dhaafnay oo odaygii qallalku ku dhacay u gaadhnay. Meeshu sifo cisbitaal ma leh, odaygu wuxuu saaran yahay shillal, dhankiisa midig waxa iyana shillal kale saaran gabadh yar(13 jir ku qiyaasay) oo indho cadcad oo dhaawac aan ii muuqanni ku yaallo, dhiig cidhbaheeda ku yaalla ayuun baan arkay.


Odayga waxa ku xoonsanaa xigto badan, way u dedaalayeen, wax se ay qabanayaan oo muuqdaa ma jirin. Inanta yar waxa agtaagnayd gabadh yar oo kale. Goobtu meel nafi inay ku badbaaddo dooni lahayd uma muuqan, bilxaqiiqan nafta halkaas la geeyaa waxa ay is odhanaysaa ka baxso, kol haddii jidhkii siday aanu kacayninna in ay ka baxdo waa garteed. Meesha ba geeri ayaa si ugu wada qornayd.


Niyadda ayaa haynweyday qolkii. Waxaan usoo noqday dhankii ninku geylaansanaa. Waa Xereeye, isagu na shillal kale ayuu si nabad u sansaan eg isagaga jiifaa. Wuu neefsanayaa oo sanka ayaa tuumbo yari ugu jirtaa, kaadida na caag yar ayaa ka dhuraya. Dermo u egta caagga ah ee muddooyinka dambe barobixisay salligii ayaa shillalka ugu dul kala baxsan, macawis yar ayaa qaarka hoose ugu duuban.


Dhakhtarkii qariibka ahaa ayaa dul yimi. Dhallinyaro kalkaaliyayaal ah, labis aan xidhnayn, dedaal se ka muuqdo ayaa ku soo xoomay. Weydiimo taxan ayuu dhakhtarkii ku boobay dhallinyaradii. Sonkortiisa ma eegteen? Dhiigga ma cabirteen? Cunto maxaa siiseen? Goormaa kaas iyo kan qabateen?


Derbiga Xereeye guudkiisa ah waxa ku dhejisnaa waraaq yar oo shaxan ah. Xereeye Oromo ayaa ku qornaa, waxa ku hoos yiil cabbirka dhiiggiisa oo dhallinyaradu qaadday. Qoraal kale, malaf kale, kabadh kale, meel kale oo kayd iyo qoraal lagu dhejiyaa meesha ka ma muuqan. Weydiinkasta oo dhakhtarku la yimaaddo dhallinyaradu madaxooda ayay ka soo dhufanayeen.


Xaashad yar oo cad ayuu dhakhtarkii dawo ku xarxarriiqay. Wuxuu dhallinyaradii ku yidhi maxaa bakteeriya-disho haysataan, magac keli ah ayay u dhiibeen. Meeday kolkii uu ku yidhi, kabadhkii ayay ku xidhan tahay oo ilaa aroorta la helimaayo ayay ku wargeliyeen.


Wixii uu qoray intuu u diray ayuu ka gudbay. Qolka kale ee saddexaad waxa jiifay nin dinac isaga moqollosan, gabadh murugo wejigeeda ku qoran tahay ayaa dul fadhiday. Dhakhtarkii da'da yaraa wuxuu dul tegay ninkii. Baabuur ayuu ka dhacay ayaa la yidhi. Isaga na wuu eegay, oo ka soo noqday.


Ninkii Xereeye ayaa lagu soo ururay. Dawadii dhakhtarku qoray ayaa la doonay. Intii dawadii lagu sii maqnaa ayaa laba dumar ah iyo nin wada socdaa soo galeen, caano iyo dawo ayay sideen. Waxa aan u fahmay in dawo keli ahi magaalada oo dhan taallo, taasi na waxwal ba dawayso ama lagu la daalo, xitaa geerida.


Meeshu waa Gargaarkii Degdegga, naf wax ku dirqiyeen inay jidhka ka booddo in la isku hortaago oo la abhiyo, ugu dambaynta na lagu qanciyo inay jidhkeeda iskaga jirto ayaa loogu talagalay. Halkan se aan dhextaaganahay, Xereeye na dhexdaadsan yahay meel naf baxaysa lagu cabudhiyo oo lagu celiyo jidhkeeda ama loogu hanjebo waannu kugu celinaynaa maaha. Waxay uga dhowdahay qolkii dilka, kursigii laydhka ee madaxa lagu xidhayay ayuun baa ka dhiman ayaan is idhi.


Kalkaalisadii awowgeed tabantaabinaysay ayaa dawo tii suuqa ka dhakhso badan soo heshay, wiil kalkaaliye ah ayaa loo dhiibay. Irbad ayuu quraarad budo yar oo caddi ku jirto ruubay oo biyo yar ku sii daayay, kolkaas buu ruxruxay. Sidii uu u ruxayay ayaa quraaraddii yarayd ka dhacday. Haq baa meeli i tidhi, ma jabin, kor buu usoo qaaday oo tayuub yar oo gacanta Xereeye ka laalaaday ku muday. Waxaan niyadda iska idhi quraaraddaas diidday inay jabtaa malaha Xereeye waa u shimbir.


Intii dawadu ku socotay Xereeye ayaa faallo isaga ku saabsan loo galay. Ninku ma Oromaa ayaan idhi, haa ayaa lagu warceliyay. Labadii dumarka ayaa yidhi waar waa Soomaali, waa nin dadkii webiyada ah. Wuxuu Burco joogay ilaa 1990kii, xashiishka ayuu agagaarka Afgooye(Jid Burco yaalla) ka guraa.


Waxa mid dumarkii ka mid ahi noo sheegtay in iyada oo alaabteedii yarayd ee ay jidka la fadhiday urursanaysa uu isaga oo ordaya, macawistu ka dhacayso ku soo kediyay. Biyo i sii, beeso i sii ayuu ku muusannaabayay ayay tidhi. Inuu khamri iyo wax ka daran maanta soo cabbay ayaannu moodnay ayay yidhaahdeen, dabadeed na waa iska erinay.


Wuxuu aakhirkii ku duldhacay meel xashiish ah, halkii ayuu ku miyirbeelay. Labada dumar ahi kolkay arkeen inuu ninkii Xereeye dhacay ayay moodeen in la dilay oo nabarro ku yaalliin. Bilays ayay ugu yeedheen, kuwii ayaa soo qaaday oo xalayto, afar iyo labaatan saacadood ka hor halkan soo dhigay. Dumarkii na inay ka soo warhelaan ayay imika ugu yimaaddeen. Afar iyo labaatan saacadood dadka goobtaas yaallay ee gargaarka degdegga ah loo keenay dhakhtar ku qornaa kama soo agwareegin, waa dil camdi ah oo dadkaas loo la kasay, xeer in laga soo saara na ku bannaan.


Sheekada meesha ka socota, urta geerida ee derbiyada sidii ceeryaamada ku yuururta iyo cawadaranta dadkan masaakiinta ah haleeshay ayaa niyaddaydii dhaqaajiyay.


Meeshu haddii ay Gargaarkii Degdegga ahaa tahay miyaan dhakhaatiir joogto ah laga helin ayaan hadal caalwaa ku idhi. Way jiraan, waa ku qoran yihiin, waa kuwan telefoonnadoodii, dhammaantood waxay ku maqan yihiin farmasiiyadoodii. Xalay kolkii Xereeye la keenay ee la la hadlay dhakhtarkii joogtada u lahaa wuxuu telefoonka ka soo sheegay dawada dhallinyarada kalkaaliyayaasha ahi siinayaan ninkaas dhibban ayaa warbixin dheer la igu siisay.


Eray kasta oo la ii dhiibaa ka sii dhiillo iyo hoog badan wixii hore. Sidee baan magaalo afar boqol oo kun(400,000) oo qof ku nooshahay u lahayn qol yar oo Gargaarka Degdegga ah? ayaan is weydiiyay.


Dhakhtarkii da'da yaraa ee mutadawaca ahaa ayaa Xereeye fiiriyay. Madaxa usoo taageera ayuu talo ku bixiyay. Birqalaxda uu ku jiifaa soo kicimayso, waa birqalax Yurub laga soo taxaabay oo cimrigeedii laasatay. Wiil kalkaaliye ah ayaa hablihii kalkaaliyayaasha ahaa ku canaantay; idinkaa guryo leh oo gadbho ah ee barkimo soo qaada. Qabso oo meesha ninkaas dhibban ee dhakhtarkii yaalla, weli ba qolkii gargaarka degdegga dhexyaalla looga doonayo barkimadu waa xaafadihii hablaha yaryar ee kalkaaliyayaasha ah.


Ka warran Cabdillaahi xaaladda meesha, wejigaagu wuu isbeddelaye? Ayay gabadh kalkaaliso ah oo i garanaysay igu tidhi. Guuldarro, sidee meesha caynkan ah, dalka sidan ah, goobta tan ah rag ugu soo cod iyo codayn doontaa oo dabadeed na u yidhaahdaa waannu ka talinaynaa? Ayaan idhi.


Waa Afrika meeshu, waa qiiro qurbejoog waxa ku hayaa, waa arrimo iska fudud waxani, sheekooyinkaas ayaannu cisbitaalkii kaga baxnay, guntu se taas maaha.


Ma jirto bulsho calan u taagan yahay, sheeganaysa qaran jira, leh madax buurbuuran oo baabuur afarqaadda ku taxtaxaashisa oo qolka Gargaarkooda Degdegga ahi uu geerida kugu martiqaadayo.


In aad ku bukooto halkan waxa kuu dhaanta adiga oo baryo ula taga bakteeriyada iyo fayraska dilaaga ah, maxaa yeelay waxaan qabaa in ay noolahaas yaryar ee dilaaga ahi damiir dhaamaan kuwa dhakhaatiirta sheeganaya ee iyaga oo ku qoran qol nafta badbaadadiisa loo dhisay u qayilaad tegaya, ama bulshada ku dhiigmiiranaya meel kale, carruurta yaryar ee kalkaaliyayaasha ah na kaga baxaya hawshii iyaga loo tababaray.


Waxa se eedda ugu weyni fuushan tahay cidda bulshada xilkeeda haysa ee inay metelaan maalinwalba aynu ka maqallo.


Xereeye na maaha wedsuge shillal saaran oo naftu mar dhow ka baxayso, waa astaan qaran tii ugu foolxumayd oo wejiga saantiisa inagaga taalla.

Cabdillaahi Cawed Cige, Burco, Somaliland edleh@hotmail.com

Isha Qarsoon

Contents published on: 2011-08-27 (848 reads)
Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.