| 
		
 
 
 
 
Wisdom of the Day 
	
		 | 
	 
	
		
		 | ...daily updates... |   |   
Qalinkaa wax suureeya, 
Kugu sima halkaad doonto, 
Saaxiib kal furan weeye, 
Sunto fara ku hayntiisa, 
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan  |   
		 | 
	 
 
 
 
 
 | 
  | 
 
      Maxamed Baashe X. Xasan Halka Haleel - Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa The Baashe Books, London, 2004 ISBN: 0-9547674-0-3  
  Waxa uu buuggani la magac baxay Hal Ka Haleel, waxanu ku saabsan yahay Sooyaal-nololeedka iyo Suugaanta Hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Buuggu waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo muhiim ah. Qaybta hore waxa ay ka hadlaysaa barbaaritaankii carruurnimo ee maansa-yahanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo hanaqaadkiisii, dhalashadii iyo soo if-baxii hal-abuurkiisa suugaaneed, caan-baxa magaciisa abwaannimo iyo saamayntii maansadiisu ay bilowgiiba ku yeelatay dadka soomaalida, xadhiggii iyo noloshii xabsigii uu ku xidhnaan jirey ee Qansax dheere sannadihii 1973 - 1978. Waxa qaybtan lagula kulmayaa dheegag-suugaaneed ka mid ah maansooyinka Hadraawi, tusaale ahaanna loo adeegsanayo, la iskuna deyayo in wax lagaga tibaaxo curashadii maansooyinkaas iyo waxa ay ka hadlayaan ee ay abbaartoodu daarran tahay. 
  | 
 
    | 
  
 
       |   
 | 
  | 
Social Community 
	
		| Join us today | 
	 
	
		
		There are currently, 415 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free! 
		 | 
	 
 
 
 
 
 
 
 
 
Editor Pick 
	
		 | 
	 
	
		
		 |   A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more  |   
		 | 
	 
 
 
 
 
 
 |  
 |