Maxamed Cali Cartan Buug Suugaaneedka Halqabsi   Maansadii Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (CARTAN) na, India, 2006 ISBN: 89939 488 1244  
  Buug suugaaneedkan (HALQABSI) oo ka kooban in ku dhow sadex boqol oo bog (300) waxa lagu soo ururiyay  guud ahaan suugaantii Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (CARTAN) oo u qaybsan afar qaybood oo kala ah Gabayo, Maanso, Heeso, iyo Majaajilo, suugaanta abwaanka  oo isugu jirta  waano, wacyigelin, nabadayn, iyo tusaalayn intaba. Waxa buugan ku xardhan oo uu xanbaarsan yahay maahmaaho aad u qiimo badan oo tiro ahaan kor u dhaafay (680) maahmaahood. Waxa kale oo  buugan ku duugan  oo uu kala iftiimin doonaa  faraqa u dhexeeya  maahmaahda, hal ku dhiga, hal kula baxa, iyo halqabsiga, oo run ahaantii u baahnaa in lagu sameeyo qoraal ama diiwaan laga helo si da`yarta xiligan joogta ama jiilka soo socdaaba uga faa`iidaystaan.
 
Waxaad buuggan ka heli kartaa
 
Doha Qadar:  
Liibaan Ibraahin Xassan (Baabu laahi) - Tel:009745689284 
 
Suadia Arabia: 
Maxamed Jamac Yusuf - Tel:00966508751821 
 
India /Hyderabad: 
Xassan Kaarshe -
0091 9885265474
  
  | 
 
    |